Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) ayaa goordhow gaarey deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose

Horjoogaha Ciidamada Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan horjoogayaal kale ayaa waxa soo galbiyey gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah oo ay saaranyihiin Ciidamao u badan kuwa beeleed.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in sababta halkaas uu u gaarey ay tahay sidii uu indha indheyn ugu sameyn lahaa saldhigyada Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Deegaanka Bariire iyo saldhigii dhawaan lagu laayey maleeshiyaad isbaarooley ahaa oo taliye uu u ahaa dagaal ooge Liibaan Madaxweyne.

Xaafadaha Bariire ayaa waxa lagu daadiyey Ciidamao badan si ay uga hortagaan weeraro ay so oqaadaan kooxda Alshabaab oo ku sugan meel aan ka baxsaneyn deegaanka, oo xilliyada qaar ay kaso qaadaan weeraro madaafiic loo adeegsado.

Deegaanka Bariire oo bishii Agosto ay la wareegeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa hal bil ka dib la dagaalankii Alshabaab waji kale u rogey saraakiil uu ka mid yahay Cabdulaahi Cali Caanood oo halkaasi geeyey maleeshiyaad isbaarooley ah oo qaab beeleed loosoo diyaariyey, waxaana halkaas ku istaagey dagaalkii lagula jirey Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE