Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Khasaare Geystey Oo Xalay Ka Dhacay Koontarool Ku Yaalla Magaalada Boosaaso

Koox la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa xalay xili dambe weerar ku qaaday Kontoroolka magaaladda Bosaso. Weerarkaasi waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Cisbitaalka Bosaso ayaa saaka la geeyay Lix qof oo mayd ah oo saddex ka mid ah ay yihiin askartii iyo shaqaalaha dowladda ee Kontoroolka, halka Saddexda qof ee kale lagu sheegay Haween ku sugnaaa kontoroolka xiliga uu weerarku dhacay. Weerarkan waxaa kaloo ku dhaawacmay 11 qof oo ay ku jiraan Caruur iyo dumar, Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Saraakiisha caafimaadka ee Bosaso.

Warar kale oo aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaarayso ilaa 8 qof, dhaawucuna uu intaasi ka badan yahay. Waxaana haatan kontoroolka gacanta ku haya ciidamada Puntland, iyadoo isu-socodkii baabuurtuna uu caadi ku soo laabtay.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa sidoo kale jidgooyo dhigtay meel u dhaxaysa kontoroolka iyo magaaladda Bosaso, waxaana is-rasaasayn dhexmartay ciidamo Puntland oo u soo gurmaday ciidamadda Kontoroolka iyo maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, waxaana halkaasi ku dhaawacmay qaar ka mid ah askarta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE