Dhageyso Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Galmudug Oo Sheegay In Uu Ka Badbaadey Isku Day Dil

Gudoomiye ku xigeenak Laabd ee baarlamaanka Maamul Goboleedka Galmudug Maxamed Aadan Macallin oo wareysi siiyey warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu ka badbaadey isku day dil.

Mas’uulkan ayaa marka hore sheegay in uu doonayey in uu kasoo daneysto magaalada gudaheeda oo uu ka baxo Madaxtooyada, hase ahaatee lagu qabtey qabto gaari uu saarnaa, waxaana falkaasi uu ku eedeeyey Maleeshiyaad ka amar qaata Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Xaaf.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maleeshiyada qal qal xoogan ay geliyeen noloshiisa, isagoo tilmaamay in uu ku sigtey dil ay kula kacaan maleeshiyaad loogu balan qaadey dilak mas’uuliyiinta in ay ku helayaan dalacsiin iyo derejiiyin ciidan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE