Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiyey Oo Ku Sugan Dalka Itoobiya Ayaa La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Dalkaasi (Sawiro)

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ayaa meeqaam heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Addis Ababa.

Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi waxa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr. Workneh Gebeyehu oo wadahadal ay ka yeesheen qodobo ay ka mid yihiin, deris wanaagga, xoojinta arrimaha iskaashiga labada dhinac ee Itoobiya iyo Somaliland iyo sidii loo sii adkayn lahaa wadashaqaynta xoojinta ammaanka iyo guud ahaan gobolka, kuwaas oo ay si fiican iskugu afgarteen.

Guddoomiyaha, ahna murashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye waxa weftigiisa xubno ka ah Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Maxamed Kaahin Axmed, Siyaasi Axmed Muumin Seed iyo Xoghayaha gaarka ah ee Murashaxa Kulmiye  Mubaarik Ismaaciil Taani.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE