Hay’ado Caalami Ah Oo Ethopia Uxambaariyay Xasilooni Darrada Bariga Afrika

Warbixin dheer oo ay soo saareen hay’ado caalami ah ayaa lagu sheegay in xukuumada Ethopia ay tahay furaha dhibaatooyinka kajira bariga Africa gaar ahaan wadamada dhaca geeska Africa, warbixinta hay’adaha oo si cilmiyaysan loosoo bandhigay ayaa lagu sheegay in wadanka Ethopia uu aabo uyahay dhamaan dhibaatooyinka kajira bariga Africa.

Sida warbixinta lagu xusay wadanka Ethopia ayaa diiday in xal laga gaaro colaada kala dhaxaysa wadanka dariska la ah ee Eritrea, taas oo sida laga wada dharagsan yahay uu bilaabay taliska damaca iyo daandaansiga kucaan baxay.

Taliska Addis Ababa ayaa si adag uga horyimid go’aankii maxkamada qaramada midoobay ee ahaa in dhulka ciidamada Ethopia xooga kuhaystaan si dag dag ah loogu wareejiyo wadankii iska lahaa ee Eritrea, taas oo taliska uu iska diiday.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in xukuumada ay geed dheer iyo mid gaabanba ufuushay sidii qabiil qabiil iyo Gobol Gobol loogu kala xir xiri lahaa qarankii Somalia, kaas oo sida larumaysan yahay udhismi la faragalinta tooska ah iyo mida dadban ee wadanka Ethopia uu kuhayo dadka iyo dalka Somalia.

Warbixinta oo aad udheerayd ayaa sidoo kale taliska Ethopia ku eedaysay in uu guud ahaan wadamada dariska ah uu kadhex wado dilal iyo afduubyo uu ugaysanayo dad magan galiyo kujooga wadamadaas, waxaana warbixinta lagu xusay wadamada Kenya, Somalia, Yemen iyo Jabuuti oo dhamaan tood ay kasoo qafaasheen dad magalin galiyo ujoogay qaar kalana ay ku laayeen.

Dhinaca kale amaan xumda wadamada bariga Africa ayaa lasheegayaa in ay qayb wayn kaqaateen cadaadiska iyo maamul xumida ay xukuumada Ethopia kuhaysto dadka ay gumaysato, waxaana warbixinta lagu xusay in ay jiraan 100 kun oo ciyaal ah oo suuqa kadawarsada kuwaas oo amaanka Gobolka wax wayn udhimi kara.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu xusay in ay jiraan dad kabadan 1 milyan oo guri ama hoy la’aan ah kuwaas oo sida lasheegay qayb ka ah amaan xumida wadanka iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa ba.

Sidoo kale hay’adaha ayaa xusay in ay jirn 8 milyan oo dad ah oo macluul darini ay kuhayso wadanka gumaysiga Ethopia, kuwaas oo baasiin kusii shubi kara xaalada amaanka ee mandaqada geeska Africa.

Iskusoo wada duub oo hay’adaha ayaa sheegay in ay kacabsi qabaan colaada wadanka Ethopia kajirta oo kufida dhamaan wadamada dariska, taas oo aan waxba laga qaban karin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE