Immisa Caruur Ah Ayaa Sanadkii 2016-kii Lagu Dilay Dalka Soomaaliya…? (Warbxin)

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu mas’uul ka ahaa dilka 42 carruur ah sanadkii hore.

“Dhibaatooyinka caruurta ee AMISOM ay geysatay waxay asal ahaan ka dhaceen howlgallada looga soo horjeedo ururka Al-Shabaab ama dabka aan kala sooc lahayn ee ka jawaabaya weerarada.” Ayaa lagu yiri Warbixintan oo la sii daayay Todobaadkan.

Sidoo kale Warbixinta waxaa lagu sheegay Ciidamada Kenya oo dagaal kula jira Al-shabaab in ay masuul ka yihiin dilka 11 caruur ah, halka Howlgalka Mareykanka uu dilay ugu yaraan hal ilmo sanadkii 2016-kii.

Waxaa kaloo warbixinta QM lagu soo hadal qaaday weerarkii 25-kii August ee sanadkan xilli habeen ah Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Mareykanka ay ka geysteen degaanka Bariire, halkaasi oo ay ku beegsadeen 10 Qof rayid ah, oo ay ku jiraan caruur.

Ugu dambeyntii QM waxay sheegtay Ciidamada Maraykanka in gudaha Soomaaliya ay ku dileen 510 qof oo Soomaali ah tan iyo 2007-dii iyaga oo adeegsanayay weeraro kala duwan.

ISHA Rradiorisaala.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE