Maxay Dowladda Fedaraalka Ka Tiri Khilaafka Maamul Goboleedyada Iyo Shirka Ka Furmay Kismaayo (Video)

Wasiirka arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Juxa oo socdaal ku jooga dalka Finland ayaa khudbad uu u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan ka hadlay arimaha hor yaalla dowladda Fedaraalka ee Soomaaliya.

Mudane Juxa ayaa marka hore ka hadlay arimaha la xiriira khilaafaadka maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda ay isku dayeyso in ay wax dhisto oo aanay waxba dumin.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan caqabdo badan oo horyaalla dowladda kuwaas oo diidan in horusocod la sameeyo, isagoo tilmaamey in dowladda ay isku dayeyso sidii looga gudbi lahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE