Shacabka Deegaanka Bariire Oo Qaxay Iyo Alshabaab Oo U Hanjabtey Shacabka Weli Ku Sugan Guryahooda

Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa bishii Agosto ee sanadkan waxa la wareegay Ciidamada dowladda fedaraalka ee Soomaaliya oo kuwo cadaan ah.

Ciidamadaaas ayaa burburiyey saldhigyo Alshabaab ay ku laheyd Bariire, waxaana dagaal lagula wareega dhowr xarumood oo ay halkaasi ku lahaayeen, waxaana xigey howlgal lagu baacsanaayey haraadiga Shabaab.

Deegaanka ayaa waxa uu ka mid yahay meelaha bulshada ay ku badantaha iyo waxa soo saarka dalaga beereedka, waxaana shabaab ay ka heli jireen dhaqaale fara badan.

Markii deegaanka laga wareegay ayaa shacabka waxay ku amreen in ay isaga baxaan oo ay u guuraan deegaanada kale ee ay maamulaan si ay uga nabad helaan qaraxyada iyo weerarada ay ku qaadayaan saldhigga Ciidamada dowladda.

Shacabka ayaa intiisa badan waxa loo fasaxay in ay deegaan meelaha ay maamulaan Shabaabka, waxaana loo diidey deegaanada Nambar 50, iyo kuwa ay joogaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISO.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada hoose Cabduqaadir Maxamed Siidii oo maalmo ka hor shir jaraa’id ku qabtey Muqdisho ayaa sheegay in waxa aan la aqbali Karin ay tahay barakaca shacabka Bariire oo weligood aan ka guurin guryahooda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE