Wararkii Ugu Dambeeyey Shirka Maamul Goboleedyada Ee Kismaayo Ka Socds Iyo Qodobo Ay Ku Heshiiyeen Madaxada

Magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar u ah Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafey waxa ka socdey Shir halkaasi ay ku leeyihiin madaxda Maamul Goboleedyada.

Shirka oo maalintii labaad galay ayaa Madaxda ay ka shiraan arimo la sheegay in iyaga ay gaar u yihiin, iyadoo la filayo in maanta qodobo ama war murtiyeed laga soo saaro.

Warbaahinta ayaa heshay qodobo horudhac ah oo heshiis laga gaarey, hase ahaatee ay jiri karaan qodobo kale oo Madaxda ay isla meel dhigaan ama ay wax ka bedelaan qodobada hada sida hoose lagu helay.

Siyaasiyiinta iyo indheer garadka Soomaaliyeed ayaa siyaabooyin kala duwan u arka shirka Kismaayo ka socda, waxaana inta badan loo arkaa mid ka hor imaanaya danaha iyo Midnimada Shacabka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso qodobada Sida horudhaca ah loogu heshiiyey

1- in la aas aaso Gole ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada

2- in Sanadkiiba ay mar kulmaan Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,iyadoo Kulankaas lagu qaban doono Magaalo uu ka taliyo mid kamida Maamulada.

3- in Madaxda maamul Gobolleedyada ay iska dhex doortaan Hogaan,Hogaankaas oo aan weli la caddeyn,balse Qodobkaas ay weli doodiisu socoto.

4- Qodobka Afraad waxaa uu sheegayaa in Golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul Gobolleedyada uu u taagan yahay Xalinta Khilaafaadka oo Madashaas ay xalin doonto haddii Labo Maamul uu Khilaaf soo kala dhex galo.

5- Qodobka Shanaad ee ay isku Afgarteen Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada waxaa ka mida in Qodobada ka soo baxa Shirkooda ay la wadaagaan Dowladda Dhexe oo Muqdisho loogu keeno iyo in sidoo kale loo bandhigo Baarlamaanka Maamul Gobolleedyada.

6- Qodobka Lixaad ayey isku raaceen in Guddi ay u saaraan Khilaafka Xoogan ee ka dhex jira Madaxda Maamulka Galmudug.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE