Weerar Qoysheysan Oo Ku Wajahan Deegaanka Awdheegle Iyo Alshabaab Oo Faarujiyey Saldhigyo Horleh

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee saldhigyada ku leh deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa wada dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan deegaano gacanta ay ku haayaan Maleeshiyada Alshabaab.

Warar ay heleyso Shakabadda Markacdey.com ayaa ku waramaya in Ciidamada dowladda qorsheenayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen Degmada Awdheegle oo ku dhow Bariire.

Taliyaha Guudtada Ciil tire Janaraal Sheegow ayaa sheegay in ay wadaan dadaaladii ugu dambeeyey oo Shabaab ay kaga xoreenayaan Deegaano ay ka mid yihiin Awdheegle iyo kuwo kale oo uu tilmamaay in ay yihiin kuwo laga soo abaabulo weerarada lagu qaado saldhigyada Ciidamada dowladda.

Deegaanka Bariire ayaa maalinnimadii shalay waxa gaarey Taliyaha Ciidamada xoogga Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), isagoo booqdey saldhigyada Ciidamada, waxaana kulamo uu lasoo yeeshay saraakiisha halkaasi ku sugan.

Dhanka kale taliyaha Ciidamada Xoogga dalkaa ayaa waxa uu sheegay in macna badan aysan sameyneyn in Ciidamada xoogga dalka ay iska fadhiyaan balse loo baahan yahay in ay bilaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Alshabaab ayaa weerar dhiig badan uu ku daatey ka fulisey Bariire todobaadkii lasoo dhaafey, waxaana halkaas ay ku burburiyeen saldhig Ciidan, iyadoo ay sii qaateen gaadiid dagaal iyo hub kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE