Dhageyso Sir Culus Oo La Helay Maamulka Shariif Xasan Oo Heshiis Lasoo Galey Hey’ad Halis Ku Ah Degenaashiyaha Iyo Xasiloonida Deegaanada Seddax Gobol Ee Koonfur galbeed

Sida lagu helay xog muhiim ah Shakhsiyaad ka hoos shaqeeya Taliska Maamulka Koonfur galbeed waxa ay heshiis lasoo galeen hey’ad la sheegay in ay Qatar kutahay degenaashiyaha iyo xasiloonidda deegaanada Seddaxda Gobolka ee Maamulka uu ka koobanyahay.

Shakhsiyaadkan oo si aad ah ugu dhow Shariif Xasan ayaa hey’adan oo lagu magacaabo Black Water la saxiisdey heshiis dhigaayo in arimo sirdoon ay ka fuliso deegaanada Maamulka Koonfur galbeed, hase ahaatee la sheegay in shaqooyin kale ay qabato sida In sun iyo haraadiga warshadaha lagu daadiyo deegaanada xeebaha ah.

Waxa la sheegayaa in hey’adan horey loogu darey kuwa loo yaqaano listiga madow (Black list) laakiin markii dambe laga bedelay magacii horey ay ugu shaqeyn jirtey si bulshada looga gado.

Shakhsiyaadka la qaraabta Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lagu eedeeyaa in ay yihiin dad daneystayaal ah oo danahooda gaarka ah ka door bidey dantii guud iyo wax ka qabashada howlaha hor yaalla Maamulka.

Shacabka ayaa ka raja beeley in ay dib u arkaan shaqooyin ama horumar uu ku tallaabsado Maamulka fadhiidka ah ee Baydhabo fadhigiisu yahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE