Janaraal Waafow Iyo Gudoomiye Yariisow Oo Xog Buuxda U Gudbiyey Saraakiil Mareekan Ah Oo Ay Kula Kulmeen Xarunta Xalane (Xog)

Janaraal Cabdulaahi Axmed (Waafow) iyo Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow ayaa kulamo la qaatey saraakiil cadaan ah oo ka tirsanaa Xafiiska howlgalka Mareekanka ee Africom.

Kulanka ayaa intiisa badan leysaga xog wareesanaayey xaaladda Gobolka Shabeelada hoose iyo la dagaalanka Kooxda Alshabaab oo la rumysanyahay in awoodo ay ku dhax leeyihiin deegaano ku yaalla Shabeelada hoose.

Labada Mas’uul ee matalaayey Shacabka Gobolka Shabeelada hoose ayaa cabasho ka gudbiyey Sareaakiil ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo gacan bidixeyn ku sameenaya dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Waxa miiska loo saarey cadeymo la xiriira in Alshabaab la dagaalankeeda waji kale loo yeelay iyadoo inta badan la hubeeyo dagaal oogayaal dano kale u jooga Gobolka, oo markii ay tagaan deegaanada loo diro  fuliya danahooda gaarka ah, iyagoo la macaamila Alshabaab lala dagaalamayo.

Waxa loosoo bandhigey cadeymo muujinaaya in saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka dhabeynin balan qaadyada ah la dagaalanka Shabaab, oo xilliyada qaar leyska horkeeno Shacabka iyo dowladda si loo nacsiiyo bulshada Ciidamada dowladda.

Dhinaca kale Saraakiisha howlgalka Africom ee ayaa loo xaqiijiyey sababta kaliya ee ka dambeysa in ay soo laalaabtaan weerarada Alshabaab ee sii kordhaya ee ay ku qaadeyso xerooyin Milateri oo ku yaalla Shabeelada hoose, waxaa taasi loo sababeeyey laba arin oo Shabaabka fursad u siiyey in ay soo nooleeyaan awoodooda.

Midda koowaad ayaa loogu faafaahiyey shirqoolka ay dhigaan qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda oo Shabaab kula heshiiya qaadashada gaadiid dagaal iyo hub yaalla Xero la doonayo in la weeraro sida weeraradii ka dhic jirey Xerada Laanta buuro.

Waa Midda labaade in Ciidamada deegaanka muddada shanta sano ah u dagaalamaya in ay helaan xuquuqda deegaankooda, bedelkeeda lagu sheqeysto si looga guuleysto cadowga ayaa waxa is hortaag ku sameeyey saraakiil qaab beeleed u jooga Wasaaradda Gaashaan dhiga oo kasoo horjeeda in Shabaab looga adkaado Gobolka Shabeelada hoose si ay u wada fushadaan hal dan oo ay wada leeyihiin.

Saraakiisha Xafiiska Africom ayaa looga digay in ay run moodaan hadalada aan xaqiiqda ku dhisneyn ee mararka qaar ay ku hadaaqaan Saraakiil beenaalayaan ah oo danbi ka galay Shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Saraakiisha Mareekanka ee lala shirey ayaa loo gudbiyey in Shacabka Gobolka Shabeelada hoose ay heegan u yihiin la shaqeynta cid kasta oo dooneysa in Shabaab laga xoroobo, waa hadii la helo dad ay ka go’antahay oo daacad ka ah.

Taliska Mareekanka ayaa garwaaqsadey cadeymaha iyo dacwadaha xaqiiqda ku dhisan ee la hor dhigey, waxaana ay raali gelin ka bixiyeen in ay ka warqabin tabashooyinka lasoo jeediyey, iyagoo og sida ay tilmaameen daacadnimada Ciidamada u dagaalama Shacabka  ee  ku firfircoon la dagaalanka Shabaab sidey iyagaba arkeen.

Waxa ay balan qaadeen in ay raadin doonaan xuquuqda Ciidamada islamarkaana lagu tala gali doono in Shabaab loola kaashto si loo helo awood buuxda oo Gobolka ku filan.

Waxaan ka cudur daaraneenaa in aan soo gudbin Karin Xogo kale oo Milateri ah oo dhex marey labada dhinac.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE