Kulan Loogu Tashanaayo Hogaamiyaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Oo Hada Ka Socda Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa ka socdo kulamo iyo shirar loogu tashanaayo hogaamiyaha Koonfur galbeed oo dad badan oo siyaasiyiin ah ay aaminsanyihiin in uu yahay shakhsi si fudud lagu loodin karin.

Shir deg deg ah oo ay kasoo qeyb galeen Siyaasiyiin, Xildhibaano dowladda dhexe ka tirsan, Xildhibaano koonfur galbeed, Fanaaniin iyo bahda warbaahinta ayaa ka socda hotel ku yaalla agagaarka Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel ku dhegan Hotel Jaziira.

Sida aan ku heleyno warbixinada shirkan ayaa lagu go’aamin doonaa sida laga yeelayo Shariif Xasan oo lagu eedeeyo ku tagri fal awoodeed, waxqabad la’aan, iyo ka hor imaanshiyaha dastuurka ama nidaamka u degsan Maamul Goboleedka Koonfur galbeel.

Waxa jira in Shariif uu dib u dhigey howlaha Maamulka oo la aaminsanyahay in uu ka dambeeyo maamulada kale aasaagiisa ah, iyadoo ay jiraan maamul xumo iyo musuq maasuq Shariif uu ku dhaqmo.

Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed oo dabada ay ka riixayaan Siyaasiyiin iyo Xildhibaano dowladda dhexe ka tirsan ayaa doonaya in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Shariif.

Kulamada Baarlamaanka Maamulka oo furmi doona 16-ka bishan oo ay naga xigaan maalmo dhan 5, maalmood ayaa waxa loogu jiraa dadaal ah sidii kulamada ugu horeeya codka kalsoonida loogu qaadi lahaa hogaamiyaha curyaamiyey Koonfur galbeed.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE