Shirka Kismaayo Oo Lasoo Gabagabeeyey Iyo Qodobada Ay Ku Heshiiyeen Madaxda Oo Maanta Lasoo Saari Doono

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ayaa ku waramaya in shirkii u dhaxeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada in la soo gaba gabeeyay, habeenkii xalay iyadoo maanta lagu wado in la soo saaro qodobada lagu heshiiyey.

Sida ay wararku sheegayaan Madaxda ka qeyb galeysa shirka ayaa ku heshiiyay qodobo dhowr ah, halka kuwo kalena ay isku khilaafeen.

Warar horu dhac ayaa sheegaya in doodihii dhex maray Madaxda maamul Goboleedyada ay ka mid ahaayeen, in xiriirka loo jaro dowladda Federaalka, hase ahaatee la isku afgaran waayay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa si wadajir ah isugu raacay qodobo ka mid ah siyaasada dalka, sida in laga wadatashado arrimaha masiiriga ah, in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iska kaashadaan amniga, la dagaalanka Al-Shabaab iyo kuwa kale.

Sidoo kale Maamul goboleedyada ayaa la sheegay inay isku raaceen in la soo celiyo Madashii Wadatashiga Qaran ee horay u jiray dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Shaki badan ayaa laga qabaa qodobada qaar ee shirka, oo aan wali si dhab ah loo ogeyn, waxaana jira shaki ku aadan in xaalada siyaasadeed ee dalka uga sii daro, iyadoo Madaxtooyada ay si dhow ula socoto shirka Kismaayo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE