Wacdrihii Ciyaaryahaan Messi Iyo Xulka Argentina Oo Usoo Baxay Koobka Aduunka Ee Sanadda 2018-ka (Video)

Argentina ayaa xalay 3-1 kaga badisay xulka qaranka Ecuador, waxaa Messi iyo xertiisa haatan boos ay ka heleen koobka adduunka ee ka dhacaya dalka Russia xagaaga soo aadan.

Guushii xalay ay gaareen Argentina ayaa la micno ah in ay ku dhameystaan kaalinta seddexaad ee kala sareynta isreebreebka koonfurta America.

Uruguay, Colombia iyo Brazil ayaa hore ugu soo baxay dhanka Koonfurta America, halka Peru bisha soo aadan kulan Play Off ah ay la ciyaarayan xulka Chile.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE