Dhageyso Falanqeyn Maxay Ka Dhigan yihiin Go’aanada Kasoo Baxey Shirka Kismaayo

War-murtiyeed ayaa kasoo baxay shirkii madaxda dawlad goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Ksimaayo waxayna ugu baaqeen dawladda Soomaaliya inay kala tashato arrimaha masiiriga ah ee taabanaya shacabka ku nool gobollada.

War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha federaalaynta, dastuurka iyo xeerarka kale ee kasoo baxa dawaladda dhexe.

Hadaba War murtiyeedkan Maxaa nuxur ah oo ku jira? Muxuuse uga dhigan yahay khilaafka dowladda iyo Maamul goboleedyada?

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE