Shirkad-da DP World Oo Si Rasmi Ah Loogu Wareegtay Maamulka Deked-da Bosaaso (Sawiro)

Gudaha dekadda weyn ee magaalada Bosaso ayaa waxaa lagu qabtey xafladda ballaraan oo lagu wareejinayo maamulka, iaydoo si rasmi ah loogu wareejinayo shirkadda DP WORLD ee Dalka Imaaraatka Carabta.

Xafladda waxaa ka soo qeyb galay mamaulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, nabadoono, ganacsato, dhalinyaro, madaxda shirkadda DP WORLD iyo marti shataf kale.

Shirkadda DP WORLD ee Dalka Imaaraatka ayaa ballaarinaysa dekadda Bosaso, waxaana dacartirka dekadda Bosaso uu ku kacayaa lacag 3,36 milyan oo doolar, iyadoo heshiirkaasi horey u saxiixay madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo wasiirka dekadaha Puntland Siciid Maxamad Raage

Ammmaanka dekadda ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo la xakameeyey isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Agaasimaha guud ee wasaarada dekedaha iyo gaadadidka badda Puntland Cabdmajiid Samatar Jaafan oo ugu horeyn munaasabdda ka ahdlay ayaa ka warbixiyey qaabka dekadda ay u shaqeyso, isagoo intaasi ku daray in waxa lagu warejinaya shirkada ay tahay maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE