Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Taliyaha Ciidamada Xoogga Oo Iscasilay

Taliyihii Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), iyadoo Golaha Wasiirada Soomaaliya ay magacaabeen Taliye cusub oo bedela.

Sida ay sheegayaan wararka Golaha Wasiirada ayaa magacaabay Jen. Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod oo loo magacaabay xilka Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C.rashiid C/llaahi Maxamed ayaa isagana iska casilay xilkiisa, isagoo Warqada istiqaaladiisa u gudbiyay golaha wasiirada, kullankoodii toddobaadlaha ee ay maanta Muqdisho ku yeesheen.

Is casilaada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ka dambeysay wax yar un kaddib markii uu is casilay Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE