Abaanduuliyaha Ciidamada Xoogga Oo Gaarey Degmada Nambar 50 iyo Ku Dhawaad 40, Gaari Oo Kuwa Dagaalka Oo U Jihyestey….

Abaanduuliyaha Ciidamada Xoogga Genaraal Cabdulaahi Cali Caanood iyo Saraakiil kale oo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya ayaa saacado ka hor gaarey degmada Nambar ee Gobolka Shabeelada hoose.

Saldhigyada Ciidamada Maamul Nambar 50, ayaa habeennimadii xalay waxa kusoo jabey Ciidamada Milateriga ee saldhigyada ku lahaa deegaanka Bariiri, halkaas oo xalay habeen barkii ay isaga soo baxeen.

Abaanduuliyaha ayaa la sheegay in uu halkaas u gaarey sidii uu usoo galbin lahaa Ciidamada uu hogaamiyo Genaraal Sheegow oo bilooyinkii u dambeeyey saldhig ku lahaa Bariire oo ay kala kulmeen dagaalo iyo weeraro joogta ah.

In ka badan 40, gaadiid oo kuwa dagaalka ah ayaa lasoo wariyey in ay ka dhaqaaqeen Nambar 50, iyagoo u jihyestey dhinaca Magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidkan dagaal ka mid ah kuwo ay leeyihiin Ciidamadii kasoo baxey Bariire.

Xog la helay ayaa sheegsa in Generaal Sheegow mudooyinkan uu ka niyad jabsanaa hanaanka ay ku shaqeeyaan saraakiisha wasaaradda Gaashaandhiga oo dhaqan iyo dabeecad ka dhigtey inay soo hoyiyaan guul darooyin ay ka naxaan Shacabka taas oo sabab u ah in aan loo diyaarsaneyn xoreynta dalka.

Maleeshiyada Alshabaab laba todobaad ka hor ayaa dhulka la sintey saldhig Maleeshiyaad sibaarooley ah ay ku lahaayeen Bariire, waxaana maleeshiyadaas horjooge u ahaa dagaal ooge Liibaan Madaxweyne oo heshiis ay galeen Beeraaleyda iyo saraakiisha Wasaaradda ku yimid halkaasi, hase ahaatee la kulmay khasaare uu ebed ka sheekeyn doono.

Waa fashilkii ugu horeeyey ee ay la kulmaan Saraakiisha Wasaaradda Gaashaandhiga tan iyo markii ya dhacdey dowladdii Xasan Sheekh, waxaana tani ay ka dhigantahay in weli aan loo diyaar aheyn dagaal lala galo maleeshiyada Alshabaab.

Taliyihii Ciidamada ee xilka iska casiley maalinnimadii Khamiista ayaa waxa lagu eedeeyey in uu sababta koowaad u ahaa in Ciidamadan ay hanan waayaan saldhigyadii ay degenaayeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE