Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyey Heshiiska Isdhaafsiga Maxaabiista Ee U Dhaxeeya Soomaaliya Iyo Hindiya

Baarlamaanka jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya oo shir ku leh xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ansixiyey heshiis dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya.

Heshiiskan ayaa dhigaya maxaabiista inay isdhaafsadaan labada dowladood ee Hindiya iyo Soomaaliya, waxaana baarlamaanka maalmihii lasoo dhaafey hor yiilay hindisha heshiiskan oo horey ay uga doodeen.

Dalka Hindiya ayaa wax ku xiran 118 Maxaabiis ah oo loo heysto inay kuu eedeysanyihiin falal burcad badeednimo oo muddo ka badan 7 sanadood ku jira xabsiyada dalka Hindiya, iyadoo bishii lasoo dhaafey lagu xukumay xabsi sanooyin ah.

Ansixinta heshiiskan ayaa ka farxinaya maxaabiista ku jirta xabsiga dalka Hindiyaya,waxa la filayaa in dowladda Soomaaliya ay soo wareejin doonto Maxaabiista si mudada xabsiga uga dhiman ay ugu qaataan gudaha dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE