Ciidamada Genaraal Sheegow Oo Diidey In Ay Raacaan Abaanduuliye Cabdilaahi Caanood, Fariisinna Ka Sameystey Garoonka Nambar 50

Taliyaha guutada Ciil tire Geraal Sheegow ayaa iska diidey in uu raaco Abaanduuliyaha Ciidamada Milateriga xoogga dalka oo saacado ka hor ka dhaqaaqey degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Genaraal Sheegow iyo Ciidamadiisa ayaa xalay habeen barkii kasoo guurey saldhig Ciidan oo ay ku laahaayeen Bariire, halkaas oo aroortii ay kusoo laabteen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Abaanduuliyaha Ciidamada Xoogga ayaa soo galbiyey Ciidamao badan oo horjooge uu u yahay Liibaan dhawaaq oo ka mid ahaa ragii usoo gurmadey Maleeshiyadii Liibaan madaxweyne markii ay ku riiqmayeen dagaalkii ay la galeen Alshabaab.

Ciidamada Genaralka ayaa degay garoonka Degmada Nambar 50, waxaana ay sameyteen difaacyo, iyagoo shitey jiko si ay cunno ugu karsadaan.

Gudoomiyaha Degmada Namab 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo saxiibo dhow ay yiihiin Genaraal Sheegow oo goobta ku sugan ayaa sheegay in ay is garab taagayaan Ciidamada Bariire kasoo baxey.

Dhinaca kale Genaraal Sheegow ayaa u muuqda Shakhsi aan kalsooni badan ku qabin saraakiisha Wasaaradda Gaashaadhigga oo ugu horeeyo Cabdilaahi Caanood iyo rag kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE