Dab Xoogan Oo Qabsadey Goobo Ganacsi Oo Ku Yaalla Magaalada Cadaado (Sawiro)

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee xarun ku meel gaar u ah maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay dab geystay Khasaare hantiyadeed.

Dabka ayaa ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla Magaalada, waxaana la sheegayaa in uu ku faafay goobo kale oo ganacsi oo xaruntaasi ka agdhawaa.

Booyado magaalada yaalla ayaa ku howlan sidii ay u demin lahaayeen dabkan oo kusii fidiya goobo badan oo ganacsi ah, waxaana ganacsatada qaar ay la baxaayaan alaabahooda ugu jira goobaha aanu weli gaarin dabka

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE