Dhageyso Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre Oo Sheegay In Karti Iyo Aqoon Lagu Soo Xuli Doono Agaasimeyaasha 26-ka Wasaaradood Ee Xukuumadda

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay isbedel guud oo lagu sameen doono Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda.

Gudi Wasiiro ah oo uu hogaamin doono Ra’iisalwasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa loo xil saarey in ay soo xulaan 26, Agaasimeyaal, kuwaas oo ku imaan doona sida Ra’iisalwasaare Xasan Cali Khayre sheegey karti iyo aqoon ayaa leeyihiin.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyey in mudnaanta koowaad la siin doonto karti iyo aqoon shakhsiga uu u leeyahay shaqada uu qabanaayo, isagoo meesha ka saarey in ay jiri karaan kuwo lagu keenay qaab dhabar ka taabasho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE