Dhageyso Warbixin Xiisa Badan Oo Ku Saabsan Ahmiyadda Istaraatiijiyadeed Ee Dalka Jabuti

Dalka Jabuti ayaa lagu sheegaa inuu yahay mid ka mid ah dalalka ugu istaraatiijisan Africa sababtoo ah waxaa mara marin biyoodka Baabal Mandab ee Badda Cas ee u baxa dhinaca Kanaalka Suweys.

Baabal Mandab ayaa waxaa mara inta badan ganacsiga ugu ballaaran ee caalamka. Muhiimadaasi istaraatiijiyadeed ee Jabuti ayaa sababay in qaar ka mid ah dalalka ugu awooda badan caalamka ay ka sameystaan saldhigyo millatari.

Hadda Maxay tahay danta Jabuuti ugu jirto saldhigyada milatari ee quwadaha caalamka. Warbixintan oo dhinacyo Badan Taabanaysa ayaad uga Bogan doontaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE