Faafaahinno Horudhac Ah Oo Laga Helaayo Weerar Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacey Isgoyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho

Faafaahinno kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Ismiidaaamin ah oo loo adeegsadey gaari walxaha laga soo buuxiyey oo lagu weerarey hotel ku yaalla magaalada muqdisho.

Qaraxa ayaa sida warbixin horudhac ah ay sheegeysaa in lagu weerarey hotel ku yaalla magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobo, iyadoo xilliga qaraxa uu dhacaayey uu u mashquul badnaa Isgoyska.

Hotel Safaari oo ka mid ah hoteelada ku yaalla wadada Km 5, ee Zoobe ayaa afaafkiisa hore lagu dhuftey gaariga qaraxa ku xirnaa, sida dad goob joogayaal ah ay soo sheegeen.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashey weerarka iyadoo halka uu ka dhacey weerarka xilligaas oo kale ay tahay meel zaxmad badan oo ay isticmaalaan dadweyne fara badan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE