Faafaahinno Kasoo Baxaya Ciidamada Xoogga Ee Dalka Oo Faarujiyey Saldhigyadii Ay Ku Lahaayeen Deegaanka Bariire

Ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ayaa isaga soo baxay saldhiggyo ay ku lahaayeen Deegaankaa Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose oo ay la wareegeen bishii Agosto ee sanadkan.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe Ciidamada Milateriga ay kasoo baxaeen saldhig weyn oo ay ku lahaayeen dhinaca Bari ee Deegaanka, waxaana faafaahinno laga helaayaa sababta ka dambeysa in halkaas isaga baxaan.

Xalay habeen barkii ayaa Ciidamada sida la xaqiijiyey lagu war geliyey in ay baneeyaan difaacyada, iyadoo xilligaas ay ku jireen heegan ay kaga hortagaan maleeshiyada Alshabaab.

Sababta ka dambeysa in Bariire xalay lasoo baneeyo ayaa tan ugu weyn waxa lagu sheegay dhibaato uu sababey Taliyihii laba maalmood ka hor iscasilay, oo dhawaan tagey Bariire isagoo wada Mushahaarka Ciidamada hase ahaatee markii halkaas uu gaarey lacagta si kale u isticmaaley.

Saraakiisha Ciidamada ee Bariire ayaa sheegay in ay u dulqaadan karin in lagu tunto xuquudooda xilli ay wajahayaan dagaalo kaga imaanaya Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE