HORDHACA: Liverpool VS Man Utd- Red Devils Loogama Badin Anfield Afartii Kulan Ee Ugu Dambeyay

Liverpool iyo Manchester United ayaa kulanka ugu adag maanta oo sabti ah isku wajahaya garoonka Anfield, labada koox ayaana kujira marxalad kala duwan ka hor kulankooda Premier League.

Todobo dhibcood ayaa u dhaxeysa labada kooxood ka hor kulankooda duhurta maanta ah ka dhacaya garoonka Reds, United ayaana raadineysa guushii 8aad ee Premier League.

Kani waa kulanka ugu weyn ee kubada cagta Ingariiska, iyadoo labadan koox ee Liverpool iyo Manchester United ay yihiin labada koox ee ugu guulaha badan horyaalka.

OGEYSIISKA CIYAARTA

Garoonka: Anfield

Saacada: 2:30 PM

MAXAA CUSUB?

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhaawacan yahay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Sadio Mane kaasoo maqnana doona muddo lix isbuuc ah ka dib dhaawac muruqa kasoo gaaray kulankii xulkiisa qaranka Senegal.

Ma jiraan dhibaatooyin kale oo weyn oo soo gaaray kooxda Liverpool intii lagu jiray fasaxa ciyaaraha caalamiga ah, inkastoo Philippe Coutinho iyo Georginio Wijnaldum aysan ka qeyb gelin tababarkii khamiista, iyagoo kusoo daahay xulalkooda Brazil iyo Netherlands.

Dejan Lovren oo qaab ciyaareed wanaagsan ka muujiyay kulankii isreebreebka Koobka Adduunka xulkiisa Croatia kaga badiyeen Ukraine ayaa diyaar u ah kulanka Manchester United.

Nathaniel Clyne iyo Adam Lallana ayaa weli dhaawac ku maqan, laakiin Alex Oxlade-Chamberlain ayaa laga yaabaa inuu kusoo bilowdo kulankiisii ​​ugu horeeyay Premier League kooxda Liverpool.

Manchester United ayaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen ciyaaraha caalamiga ah, iyadoo Marouane Fellaini uu dhaawac jilibka ah kaga maqan yahay hadda kooxdiisa, sidookale Mourinho ayaan heysan ciyaartooyda khadka dhaxe ee Paul Pogba iyo Michael Carrick.

Romelu Lukaku oo tiigsanaya inuu dhaliyo gool sideeda kulan ee ugu horeysa Premier League kooxdiisa cusub ee Manchester United ayaa diyaar u ah kulankaan.

Phil Jones ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro kulankaan ka dib dhaawac jilibka ah oo uu kasoo laabtay, inkastoo Mourinho uu ku kalsoon yahay Eric Bailly.

XAQIIQADA KULANKA

Manchester United ayaan wax guul darro ah la kulmin afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaartay Liverpool tartamada oo dhan, saddex kamid ah waxay ku dhameysteen barbaro.

Kulankii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore labada koox ay ku kulmeen Old Trafford wuxuu kusoo dhamaaday barbaro, iyadoo Zlatan Ibrahimovic uu barbareeyay gool uu dhaliyay James Milner qeybtii hore ee ciyaarta.

Liverpool ayaa ku guuldareysatay inay badiso lixdii kulan ee ugu dambeysay Premier League oo ay ku wajahday United, waxaana markii ugu dambeysay ay kaga badisay Anfield  ay aheyd September 2013 markaasoo Daniel Sturridge dhaliyay goolka kaliya ciyaarta.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Liverpool: Mignolet; Alexander-Arnold; Matip, Lovren, Moreno; Oxlade-Chamberlain, Henderson, Can; Salah, Firmino, Coutinho

Man Utd:De Gea; Valencia, Bailly, Jones, Young; Matic, Herrera, Mata, Mkhitaryan, Rashford; Lukaku.

Isha Gool.net

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE