Shariif Xasan Oo Kusii Jeeda Magaalada Xudur Si Shacabka Iyo Siyaasiyiinta Deegaanka Uu Ugala Hadlo…

Madaxweynaha culeysku saaranyahay ee maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Xudur oo magaalo madax u ah Gobolka Bakool.

Socdaalka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wax ku wehliya siyaasiyiin iyo Xildhibaano reer Xudur, waxaana halkaas uu kula soo kolmi doonaan Maamulka cusub ee deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Magaalada Xudur ayaa maalmo ka hor waxa ka dhacdey doorasho hab cusub oo deegaan ah, waxaana lagu tijaabiyey doorashadii ugu horeysey ee Gudoomiyaha ay kusoo doortaan Golayaasha deegaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE