Warar Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Weerarkii Isgoyska Zooba Iyo Qarax Labaa Oo Ka Dhacey Isgoyska Korontada (Sawiro)

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qaraxii galabta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo loo adeegsaday Gaari xamuul oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna qarxay Isgoyska Zoobe ee KM5, Waxaana ka dhashay khasaare ballaaran oo isugu jira bur bur, dhimasho iyo Dhaawac.

Ku dhowaad 40, ruux ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyay inay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka, Wuxuuna Qaraxa dhacay xilli Isgoyska Zoobe ay aheyd mid mashquul ah, halkaas ay ku yaallaan goobo ganacsi.

Baabuur fara badan oo isugu jira kuwa yar, gaadiidka dadweynaha, iyo mooto bajaajta ayaa ku bur buray qaraxa weyn ee ka dhacay isgoyska, iyagoo gebi ahaanba gubtay, Sidoo kale waxaa bur buray dhismayaal fara badan, waxaana qaraxa uu saameeyay goobo aad uga fog halka qaraxa ka dhacay.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray goobta qaraxa ka dhacay, waxaana wali socda baadigoobka dad kale oo looga shakisan yahay inay ku jiraan dhismayaal bur buray hoostooda.

Dhinaca kale Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay darawal waday gaadhi nuuca NOAH ahaa oo qarax saarnaa, wararka ayaa sheegaya in markii ninkan lagu amray inuu gaariga ka dego uu qarxay gaariga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE