Weerar Ismiidaamin Oo Ka Dhacey Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in goor dhow weerar ismiidaamin ah uu ka dhacey degmada Hodon gaar haan isgoyska Zoobe.

Qaraxa oo la aaminsanyahay in loo adeegsadey gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyey gaar ahaan gaari Nooca loo yaqaano TM ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay Hotel ku yaala meel ku dhow Safaaradda Suudaan ee magaalada Muqdisho.

Waxa jira warar sheegaya in qaraxa ka dib la maqlay rasaas xoogan oo aan la ogeyn cidda rideysa, iyadoo xaafadaha magaalada Muqdisho si weyn looga maqley dhawaqa jugta culus ee qaraxa.

Wixii faafaahin ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonnaa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE