(Xog) Hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed Oo Go’doon Siyaasadeed La Geliyey Iyo Xildhibaanada Maamulka Oo Mooshin Gudbiyey

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markan uu saaranyahay culeysyo dhinyo badan ah, oo looga gol leeyahay in xilka looga tuuro.

Tan iyo markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay lasoo baxeen dhaqanka ah in ay iskala weyneysiiyaan Madaxda dowladda Fedaraalka ayaa waxa loo jiheystey sidii meesha looga saari lahaa hogaamiyeyaasha Maamulada.

Xildhibaanada Koonfur galbeed oo loo adeegsanaayo Mooshin xil ka qaadis ah ayaa hada wada dadaal ah sidii ay u meel marin lahaayeen xil ka qaadista Shariif Xasan oo siyaasiyiinta ay u arkaan shakhsi galaangal badan.

Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u ah Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxa ka socda guux siyaasadeed oo ay wadaan Xildhibaano Koonfur galbeed ah iyo siyaasiyiin deegaanadaas u dhashey.

Sida aan ku heleyno warbixinada Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa laga cabsi qabaa in culeysyo uu saaro Xildhibaanada ugu miisaanka culus baarlamaanka Maamulkiisa iyo siyaasiyiin badan si aanay uga soo degin Garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Shariif Xasan u aragta caqabad ku hor gudban, waxaana dadaal ay ku bixin doontaa sidii meesha looga saari lahaa, iyadoo hogaamiyaha bedeli doona laga dhigi doono shakhsi aan ka badin doonin mas’uuliyadiisa.

Fadhiga Baarlamaanka Koonfur galbeed ayaa furmi doona 16-ka bishan oo laba maalmood ay naga xigto, iyadoo shaqooyinka ugu horeeya ee ay qaban doonaan uu noqon doono guda galidda arimaha Mooshinka xil ka qaadista.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE