Boqolaal Shacab Ah Oo Kasoo Horjeeda Weerarada Bahalnimada Ah Ee Alshabaab Oo Dibad Bax Ka Dhigey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Boqolaal Shacab ah oo kasoo horjeeda weerarkii bahalnimada ahaa ee shalay gelinkii dambe ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxay isugu soo bnaxeen halka loo yaqaano taalada dal jirka daahsoon.

Shacabka dibada baxa dhigaayey ayaa muujiyey sidey uga soo horjeedaan xasuuqa Alshabaab ay ku qaadey shacab masaakiin ah oo aan waxba galabsan, waxaana ay dareenkooda ku cabireen Erayo ka dhan ah Shabaab.

Dibad baxayaasha ayaa waxa halkaasi kula hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay ugu baaqeen in ay u midoobaan la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE