Dhacdooyin Musiiba Ah Oo Laga Dhaxley Qaraxii Shalay, Afar Wiil Oo Isku Qoys Ah Oo Dhintey Iyo Gabar Aabaheed Usoo Safrey Ka Qeybgalka Xafladeed Oo Geeriyootey

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhaxlay Dhacdooyin xanuun iyo uur-kutaalo badan oo uu reebay, Waxaana kamid ahaa.

Afar wiil oo isla dhalatay oo Carwo ay ku lahaayeen agagaarka Zoobe ku dhintay, waliba la sheegay in maanta ay carwadooda ku hayeen tirakoobka hantidooda, si ay Zako uga bixiyaan, waxayna kala ahaayeen Maxamed Cali Maxamed, Aweys Cali Maxamed, Axmed Cali Maxamed Iyo salaad Cali Basshi oo walashood dhashay.

Dhinaca kale Drs Maryan Cabdullaahi oo ahayd Gabar Arday ah, oo Maanta lagu waday inay ka Qalin Jabiso Jaamacadda, Islamarkaana Aabaheed uu Muqdisho u imaan rabay xaflada qalan jabinteeda ayaa ku Nafwayday Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho.

Sidoo kale C.raxmaan Cabdiqaadir ayaa isna ahaa wiil ka shaqeenaayey hey’adaha Muqdisho oo gacanta ku haayey Ehelkiisa muddo ka badan 25 sano, isagoo masafuufi jirey qoyska uu ka dhashey iyo dad kaloo ehelkiisa ah.

Waxa weli qaraxa ku maqan dad tobanaan gaaraya oo aan lagu haaynin Geeri iyo Nolol, midna, waxaana dadkaas eheladooda xalay ilaa saake ay ku mashquulsanyihiin raadintooda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE