Dhageyso Shacab Baadi Goob Ugu Jira Dad Eheladooda Ah Oo Lagu La’yaha Qaraxii Zoobe Oo Buux Dhaafiyey Isbitaalada Iyo Goobta Qarax Uu Ka Dhcey

Qaraxii shalay gelinkii dambe ka dhacey isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa inta la qiysaasey waxa ku geeriyootey in ka badan 70 ruux halka dhaawaca uu intaas kasii badanyahay.

Goobaha Caafimaad ee Muqdisho ayaa waxa la gaarsiiyey dhaawacyo tira badan, dhimashada iyo dhaawaca ka sokow waxa jira dad badan oo Geeri iyo Nolo aan lagu haaynin kuwaas oo la la’yahay.

Dadka qaar ayaa Eheladooda waxay kuu sheegayaan in ay tuhunsanyihiin in markii ay ugu war dambeysay ay ku sugnaayeen inta u dhaxeysa Isagoyska KM4, ilaa Isgoyska Banaadir, waana halka dhibaatada ugu badan ay ka dhacdey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE