Madaxweyana Soomaaliya Oo Booqdey Goobaha Caafimaad Ee La Gaarsiiyey Dadkii Shalay Ku Waxyeeloobey Qaxarii Zoobe, Dhiigna U Shubey (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhow booqdey qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacey isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Mudane Farmaajo ayaa shacabka dhaawacyada ah ugu duceeyey in uu alle caafimaad siiyo, halka dadka geeriyoodey uu alle uga rajeeyey in uu Janada ka waraabiyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqdey Isgoyska Zoobe oo ah halka shalay ay ka dhacey mashaqadii boqolaalka qof ay wax kasoo gaareen, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay in shacabka gumaadkooda loosoo shaqa tagey.

Dadka dhaawaca ee ku jira isbitaalka Madiina ayaa Madaxweynaha wuxuu u shubay dhiig si gargaar loogu sameeyo, waxaana uu ka mid noqdey dadka ka qeyb qaatey gar gaar u fidinta dhibanayaasha.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa muujiyey sida dowladiisa ay uga xuntahay weerarada wuxushnimada ah ee ay geysanayaan maleeshiyaadka nabad diidka ah ee Shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE