Wararkii Ugu Dambeeyey Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Ee Qaraxii Zoobe Oo Sii Kordheysa, Iyo Burburka Dhismayaasha Oo Lasoo Bandhigey (Video)

Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka In ka badan 220 qof la geeyey Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Abshir Bukhaari ayaa warkaasi si kala gooni gooni ah u sheegey, waxayna sheegeen in mas’uuliyiinta cisbitaalku ay u sheegeen in maydka 130 ka mid ah dadka dhintay la garan waayey sababtoo ah jirkooda oo aad u gubtay.

Ambalaasyada Amiin waxay sheegeen inay qaadeen in ka badan 250 dhaawac ah oo ay kala geeyen cisbitaallada magaalada, waxay sheegeen in ambalasyadoodu qaadeen 75 maydad ah.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale ayaa tagay Isbitaalada, iyagoo ka qeyb qaatay gurmadka loo sameynayay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, iyagoo dhiiggooda ugu deeqay dadka dhibanayaasha ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE