Akhriso Magacyada Dadkii Dhaawaca Ahaa Ee Maanta Loo Qaadey Dalka Turtkiga

Dowladda Turkiga ayaa dalkeeda u qaadey qaar ka mid ah dadkii wax ku noqdey musiibadii qaraxa aheyd ee ka dhacdey magaalada Muqdisho.

Ilaa 35 dhaawac ah ayaa barqanimadii maanta laga qaadey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyadoo dowladda Turkiga ay soo dirtey diyaarad gaar ah oo kuwa Ciidanka ah, waxaana lagu qaadey dad qaba dhaawacyo halis ah.

Wasiirka Caafimaadka Turkiga iyo saraakiil caafimaad ayaa yimid Soomaaliya sake, waxaana ay kulamo la qaateen qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya iyo Ra’iilsawasaare Xasan Cali Khayre, waxa ay balan qaadeen in ay jiraan diyaarado kale oo dhaawacyada lagu qaadi doono.

Hoos ka aqriso 35-ta ruux ee ugu horeysa ee la saarey diyaaradda Turikiga uu soo direy

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE