Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Oo Kulan La Qaatey Wasiirka Caafimaadka Ee Dowladda Turkiga (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre iyo Wasiirro ka tirsan Xukumaddiisa ayaa Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Turkiga Axmed Demarcan,s.

Wasiirka Caafimaadka Tukiga Axmed Demarcan,s oo Saxafadda kula hadlay Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inuu u yimid in Xanuunka uu la wadaago Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu Xusay in Diyaarad laga leeyahay Turkiga lagu qaadi doono Dhaawacyada liita,kuwaas oo haddaba la geeyay garoonka Aadan cadde.

Xasan Cali Kheyrre Wasiirka Kowbaad Ee Xukumadda Soomaaliya ayaa uga Mahadceliyay Dowladda Turkiga Dadaalka ay ku Garabtaagan tahay Shacabka Soomaaliyeed Ee Dhibaatada ay ku hayaan Kooxaha Argagixisada ku soo duulay Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Turkiga ayaa sheegay in ay Hawada ku soo jiraan Diyaarado kale oo qeyb ka qaadan doona Gurmadka Deg Dega ah ee loo fidinayo Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii ugu Xumaa ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE