Ra’iisalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Oo Kormeer Ku Tagay Halkii Mashaqadu Ay Ka Dhacdey, Lana Hadlay Hey’adah Amaanka (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xalay kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee 14ka bishan October 2017. Wuuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE