Sheekh Mukhtaar Roobow Oo Dhiig Ugu Deeqey Dhaawacyada La Il Daran Mushiisabadii Isgoyska Zoobe (Sawiro)

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta tagey mid ka mid ah goobaha Caafimaad ee ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku shubay dhiig uu ugu deeqey dadka dhaawaca ah ee ku wax noqdey qaraxii maalin ka hor ka dhacey isgoyska Zoobe.

Afahayeenkii hore ee Kooxda Shabaab ayaa muujiyey sida dareenkiisa ay u danqisey gumaadka Shacabka ee maalin ka hor loogu geystey Muqdisho, kaasoo loo adeegsadey gaari weyn oo qarax laga soo buuxiyey.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dareen isku mid ah ka qaadey dhimashada tirada beeshay ee ka dhalatey ismiidaaminta maalintii Sabtida, waxaana Sheekh Mukhtaar uu noqonayaa shakhsi damiirkiisa uu ka xumaadey dhacdadaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE