Diyaaraddii Sidey Gargaarka Ee Dowladda Qadar Oo Soo Gaartey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Diyaaraddi ugu horeysey ee laga leeyahay dalka Qadar oo sida gargaar bina aadannimo ayaa kasoo degtey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa waxa ku sugan Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ka mid ah mas’uuliyiin Qadar oo ka tirsan Safaaradda Qadar, iyadoo diyaaradan ay sido 2 tan oo daawo iyo gargaar kale ah oo loogu tala galay dadkii musiibada ay kasoo gaartey qaraxii Zoobe.

Diyaaradda oo kasoo duushey garoonka Ciidamada Milateriga ee Al-Cudeyd ayaa waxa ku xiran 36 sariirood oo loogu tala galay in lagu qaado dhaawacyo la gaarsiin doono magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE