Dowladda Qadar Oo Diyaarado Gurmad Wada Usoo Dirtey Soomaaliya, Isna Garab Taagtey Dowladda Soomaaliya (Warbixin)

Gargaar caafimaad oo ka socda dalka Qatar ayaa maanta imaanaya magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Sabtidii magaalada Muqdisho.

Diyaarad Milateri oo Qadar leeyahay oo sida illaa 2 tan oo daawooyin ah, ayaa saaka ka soo dhoofay garoonka Milateriga ee Al-Cudeyd ee magaalada Dooxa.

Safiirka Sooomaaliya ee dalka Qadar Cumar Idiris oo ka hadlayey sida ay Dawladda Qatar uga jawaabtay Qaraxiii Muqdisho ayaa yidhi

Waxaan saaka 7:30 aroornimo ku sagootinay Garoonka militariga ee (Al-Cudeyd) diyaaradaha militariga Qatar ee xamuulka waaweyn mid ka mid ah, nooca loo yaqaano C17 waxayna Xamar ka degi doontaa 12ka duhurnimo maanta, taasoo sidday 2 tan dawooyin ah, 36 sariirood oo dusheeda ku rakiban oo loogu tala galay in lagu daad gureeyo dhaawaca ay xaaladahoodu darantahay isbitaallo ku yaallo dalka Sudaan si halkaas loogu daweeyo, kharashka ku baxaya oo dhanna dowladda Qadar ayaa bixinayso”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay  in 30 qof oo isigu jira, shaqaale caafimaad, badbaadinta degdegga ah, iyo hagayaasha diraadda ay la socdaan, waxaana isla maalinta Berrito Khartoum ayey ka soo duuli doontaa oo ay Muqdisho ka qaadi doontaa 36 qof oo kale oo qaba dhaawacyada halista ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE