Duqa Magaalada Muqdisho Iyo Dhalinyaro Mutadawiciin Ah Oo Howlo Nadaafadeed Ka Bilaabey Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Dhalinyada magaalada Muqdisho iyo duqa magaalada Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta howlo mutadawacnima  ah ka bilaabay isgoyska Zoobe ee maalinnimadii sabtida uu ka dhacey qarax kkasaare nafeed iyo burbur geystey.

Gudoomiye Thaabit ayaa dhalin yarada u sheegay in ay yihiin xoogga maanta iyo beri ee uu leeyahay dalka, waxaana uu ugu baaqeyn in dalkooda iyo dadkooda aanay hagran oo ay xoogooda ku bixiyaan.

Dhalinyarada oo rag iyo dumar leh ayaa shaqada nadaafadda ah ka wada Zoobe si loo qaado xinjiraha iyo hilbaha weli halkaasi daadsan, waxaana sidoo kale ay qaadayaan dhagxaanta iyo ciidda wadada laamiga ah daadsan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE