Faafaahinno Laga Helaayo Diyaarado Dagaal Oo Duqeymo Ka Fuliyey Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelada Hoose

Deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose ayaa shalay gelinkiii dambe waxa laga maqlay jug culeys oo loo maleeyey in diyaarado dagaal ay duqeymo fulinayaan.

Ka dib waxa soo baxay warar sheegaya in gaadiid kuwa raaxada ah oo ay wateen horjoogayaal Shabaab ah lagu duqeeyey inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle ay ka dhaceen.

Dad goob joogayaal ah ayaa noo xaqiijiyey gaadiidka la duqeeyey in ay ahaayeen laba gaari oo nooca raaxada ah oo lagu dhuftey gantaal ay soo tuureen diyaaradaha dagaalka oo la aaminsanyahay in ay leeyihiin dowladaha reer galbeedka.

Sidoo kale waxa jira hal gaari oo la socdey labada gaari ee la duqeeyey oo baxsadey, kaas oo aan la ogeyn cidda saarneyd iyo sida uu uga badbaadey gantaalada culus ee diyaaradaha ay ridayeen.

Labada baabuur ee la duqeeyey ayaa waxa la tuhunsanyahay in ay saarnaayeen horjoogayaal Shabaab oo lagu daba jirey, ilaa iminkana lama xaqiijin cidda ay yihiin kuwa la burburiyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Dhamaan la dilay Dadkii Saarnaa labada Gaari oo ay la socdeen Xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyntii goobta la duqeeyey ayaa waxa ku sugnaa dad xoola dhaqata ah oo lasoo wariyey in ay ku dhaawacmeen ilaa afar qof, waxaana dadkaas dhaawacyadooda loo qaadey isbitaalka Daaru shifa ee magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE