Immisa Qof Ayaa Lagu La’yahay Qaraxii 14-kii Bishan Ee Ka Dhacay Isgoyska Zoobe Ee Magaalada Muqdisho (Warbixin)

Weli magaalada Muqdisho waxa ka socda baadi goobka loogu jiro dad fara badan oo lagu waayey qaraxii Zoobe oo Eheladooda aanay ku sheegi karin nolol iyo geeri.

Dadka la yahay ayaa qaarkood aan meel lagu sheegin markii qaraxa uu dhaacaayey hase ahaatee maqnaashahooda iyo qaraxa dhacey ayaa kulmay, mana laga haayo ilaa iminka oo maalintii afaraad ah wax xiriir ah.

Dad badan oo u badan waalidiin ayaa jooga goobaha Caafimaad ee magaalada Muqdisho si ugu yaraan ay u ogaadaan Nolol iyo geeri halka uu u badkooda uu ku jiro, waxaana dadka qaar maalinta qaraxa ay ku sugnaayeen inta u dhaxeysa isgoyskayada Km 4 ilaa isgoyska Banaadir.

Dadka qaar ayaa helay saacado ka dib markii qaraxa dhacay, halka kuwo qaar la heley maalin ama laba ka dib, hase ahaatee weli waxa jira dad la baadi goobayo oo maqan, iyadoo ay densanyihiin ama hawada  ay ka maqanyihiin Mobeladii ay wateen.

Ku dhawaad 150 qof ayaa laga diiwaan geliyey xarunta gurmadka qaran, oo ay lasoo xiriireen ehelada dadka maqan, oo qaarkood laga yaabo in la aasay oo la garan waayey wajiyaooda, halka kuwo qaar la aasay iyagoo leyku keen keenay hilbahooda.

Waa  dhacdo ugub ah oo magaalada Muqdisho ka dhacda inta la ogyaha taariikhda, dad intaasi la eg ay hal goob ku geeriyoodaan, halka dadka la la’yahay ay yihiin in kabadan 100 qof.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE