Kooxda Shabaab Oo Weli Ka Aamusan Musiibadii Zoobe, Yaase Loo Arkaa In Ay Ka Dambeysey (Warixin)

Magaalada Muqdisho maalintii Sabtida ee aan soo dhaafney waxa ka dhacdey musiibo xoog leh oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300, oo qof, halka dhaawaca uu gaarayo 250, iyadoo weli ay jiraan in ka badan 100 qof oo lagu waayey musiibada oo geeri iyo nolol midna lagu ogeyn.

Sida cad gaariga weyn ee qaraxa laga soo buuxiyey ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu laayo shacab badan ama lagu geysto khasaare lixaad leh, si loo gaaro danaha ama ujeedka la lahaa oo ahaa in wax yeello ba’an lagu geysto.

Dhaqanka noocaan ah ayaa Magaalada Muqdisho aan ku cusbeyn, waase dhici kartaa in khasaaraha uu intaan ka yaraa hase ahaatee gumaadka shacabka iyo in khasaaraha la badiyo ayaa waxa jirey isku dayo badan.

Inta la ogyahay qaraxan ka sokow, qaraxii ka dhici jirey Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho ayaa la xusuustaa khasaaraha uu dhaliyey, ardey tira badan oo ku dhamaatey weerar loo adeegsadey gaari weyn oo lala galay goob ay ku sugnaayeen ardey iyo dad weyne kale.

Qaraxa labaad ee kahsaare ahaan ku dhow kii Zoobe ayaa lagu qiyaasi karaa weerarkii naftii haligaha uu geystey ee ka dhacay Hotel Shaamow 3, dii Disember ee sanadkii 2009-kii, waxaana qaraxaas sidoo kale lagu xasuustaa in Shabaabku ay ka aamuseen maadaama halkaas shacab badan iyo dad kaloo bulshada wax gal u ahaa oo aan siyaasadi shaqa ku laheyn ay ku xasuuqmee.

Qaraxii 14-kii bishan oo lagu beegey goob ay buuxaan dad weyne, weliba xilliga ugu dadka badan ayaan loo heli Karin marmarsiyo ah in meel kale laga soo abaabulay oo ay ka madax banana tahay kooxda Shabaab.

Dad badan ayaa qaba in Shabaabka ay geysteen weerarkan si loo abuuro jawi kacdoon oo ka dhan ah dowladda hada jirta, laakiin weerarka ayaa abuurey in madaxdu ay muujiso sida ay uga danqadeen shacabka iyo dowladda iyo bulshada oo isla arkey in Shabaab ay u socdaan sidii ay daadin lahaayeen dhiig shacab o aan waxba galabsan.

Aamusnaanta ashabaab ayaa loo arkaa in ay tahay shakiga ugu weyn ee musiibada maanta taagan, hase ahaatee macnaha ay sameyneyso aamusnaantooda ayaan waxba soo kordhineyn iyadoo dhaqankan uu yahay mid ay kusifoobeen arxan laabayaasha shabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE