Sheekh C.rashiid Cali Suufi Oo Ku Baaqey Gurmad Iyo Midnimo, Kana Hadlay Weerarkii Zoobe (Video)

Sheekh C.rashiid Cali Suufi ayaa si adag uga hadlay Shacabkii lagu Xasuuqay Qaraxii Muqdisho, ugu horayn wuxuu soo jeediyey in lagu samro sida uu Alle ina faray, Wuxuu sheegay in kuwa dhibkaasi gaystay ay Xisaab adag hortaallo oo Qofka uu Dulmiga ku dilay uu Qabsan doono, Dhiiga Islaamkuna uu yahay Danbiyada ugu waawayn marka Shirkiga laga yimaado.

Sheekha ayaa soo jeediyey in loo gurmado dadka Dhaawaca iyo Burburka hantiyeed kasoo gaaray, Wuxuuna si wayn ugu duceeyay dadkii Falkaasi Bahalnimada ah ku Nafwaayey in alle Janadiisa ugu deeqo ehelkana samir uu ka siiyo.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE