Dhageyso Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Magacii Isgoyska Zoobe Ku Bedelay Maalintii La Qarxiyey

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ayaa Isgoyska Zoobe ee KM5 ugu magac daray 14 October, oo aheyd maalintii qaraxa dadka badan lagu gumaaday uu ka dhacay.

Isagoo dadweyne fara badan kula hadlayay goobtaas, ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya loogu magac daray 14 October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa tan iyo markii uu dhacay qaraxii weynaa ee khasaaraha badan dhaliyay, waxaa uu door weyn ka qaadanayay howlaha gurmadka iyo samata bixinta ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Zoobe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE