Faafaahinno Laga Helaayo Xildhibaan Caawa Lagu Toogtey Magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo oo xarun ku meel gaar u ah Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegaya in caawa la toogtey xildhibaan ka tirsanaa Maamul Goboleedka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

Xildhibaanka la toogtey ayaa waxa lagu magacaabi jirey C/xakiin Jaamac Cilmi (Timafaras), iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan cidda ka dabeysa dilka Xildhibaanka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilka uu ka dambeeyey askari ka tirsan Maamulka Jubbaland, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in kooxo ku hubeysan bistoolado ay dileen, kuwaas oo isla xilligaasi goobta ka baxsadey.

Dilka Xildhibaanka oo ka dhacey Xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa Ciidamada amaanka waxay bilaabeen howlgal lagu raadinaayo cidda dilka ka dambeysa, iyadoo ilaa haatan aanu jirin dad loo soo qabtey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE