Halkee Lagu Soo Diyaariyey Gaarigii Ee Ku Qarxey Muqdisho, Halkeese Laga Soo Abaabuley Nohada Lagu Qabtey Laamiga Ceelqalow (Xog)

Maalinti Sabtida ee 14-kii Bishan magaalada Muqdiso waxa lagu weerarey qarax loo adeegsadey gaari walxaha qarxa lagu sooxiyey, Gaariga noociisa ayaa lagu sheegay gaari Nooca Soomaalida u taqaano TM.

Dad badan ayaa rumeysan in gaarigan uu bartilmaameedkiisu ahaa in khasaare ba’an lagu geysto, waxaana ilo sirdoon ay xaqiijiyeen in loogu tala galay goob aan aheyn isgoyska Zoobe.

Xog la helaayo ayaa sheegeysa in Gaariga TM-ka lagu farsameeyey deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdiho, halkaas oo Shabaab ay si dad ban u maamulaan, waxaana ku yar deegaanka Ceesha awoodda Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin.

Gaariga Tm-ka ayaa waxa lasoo saarey waxyaabaha qarxa balse dusha sare ay ka muuqdeen gaaska cuntada lagu kariyo iyo Fuustooyin la rumeysan yahay inuu ku jiray Baasiin, khasaaraha ayaa waxa badiyey gaari siday Shidaal oo isaguna yaalay isgoyska Zoobe xiliga weerarka dhacay, taasi oo keentay inuu qaraxa ka xoog bato kuwii horey uga dhici jiray magaalada Muqdisho.

Waxa la qabtey gaari labaad oo isagane lasoo saarey walxaha qarxa, Gaarigaasi ayaa la sheegay inuu isaguna ku qarxay laamiga Ceel Qalow ee degmada Wadajir saacad iyo xoogaa kadib markii uu dhacay qaraxii Zoobe.

Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan lagu xaqiijinayo halka gaariga qarxey uu u socdey, waxaana uu sheegay in ay jiraan tuhun la xiriira in bartilmaameedka uu ahaa Garoonka Aadan Cadde ama Xarunta Xalane.

Sarkaalkan ayaa meesha ka saarey in weerarka lala damacsanaa Saldhiga Turkiga ee laga dhisay deegaanka Jaziira, “Waan arkay wararkaas balse maaha mid aan aniga shaqsiyan aaminsanahay sababtoo ah waxaa jiray wadooyin kale oo uu mari karay gaariga ka yimid Ceelasha Biyaha hadii uu u socdo Xerada Turkiga ama Saldhiga laga dhisay Jasiira”.

Waxa jira Shakhsiyaad u xiran weerarka qaraxa, oo uu ku jiro Nin damiin ka ahaa Gaariga qarxey oo u shaqeeya Shirkad isgaarsiin oo awood ku dhax leh magaalada Muqdisho.

Baaritaanka hada socda ayaa ah mid xoogiisa ku wajahan shaqsiyaadka xiriirka lalahaa gaariga ku qarxay Zoobe oo hada lahayo cida ka mas’uulka ahayd ama damiinta ka ahyad iyo shirkada uu shaqsigaasi ka shaqeeyo.

Weerarkii Sabtidii ayaa lagu tilmaamay weerarkii argagaxiso ee ugu weynaa ee ka dhaca Qaarada Afrika isla markaana ah midkii ugu weynaa ee caalamka ka dhaca muddo ka badan 10 sano.

Kooxda Al Shabaab ayaa iyadu ka aamustay inay sheegato weerarkan maadaama ay ku guuleysan weyday in qaraxan la beegsato goobtii ay la damacsanaayeen, isla markaana ay ka dhalatay kacdoon cusub oo shacab taasi oo keentay inay ka aamustay weerarkan ay soo abaabushay, sida ay sheegayaan saraakiisha dowlada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE